Deeq A. Posted April 27, 2019 Addis Ababa (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa Magaalada Adis Ababa kaga qeyb-galay Shir Looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya. “Waxaa magaalada Adis Ababa inooga furmay Shirk IMF iyo Dowladda Soomaaliya oo aan uga wada hada hadleyno horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, dhameystirka hanaanka deyn cafinta iyo ka wada tashiga hiigsiga sanadaha soo socda”ayuu yiri Wasiir Bayle. Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya hada ay taagantahay meel Aduunku wada ogyahay taas oo ah in dhabihii guusha ay ku socoto. View the full article Share this post Link to post Share on other sites