Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo fashiliyay miino lagu aasay Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa ku warramaya  in Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo ka sameeyeen xaafado katirsan magaalada Baardheere ee gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Baardheere Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay Ciidanka ammaanka ay fashiliyeen qarax nuuca miinada ah oo lagu aasay qeybo ka mid ah Dedgmadaasi.

Sidoo kale Al-Qaadi ayaa tilmaamay in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay waxyaaabaha Maanka-Dooriya iyo dhinyarado isticmaaleysay.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay shacabka in ay kala shaqeeyaan Ciidamada amniga sugida ammaanka magaaladaasi oo inta weeraro ay ka fuliyaan Al Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this