Deeq A. Posted April 27, 2019 (SLT-Pakistan)-Dabley aan la aqoonin ayaa la sheegay in ay dileen haweeney ka mid ahaa shaqaale ku hawlanaa Tallaalka Dabaysha ama ku dileen Degaanka Jarman ee Gobalka Balusitaan ee Koonfur galbeed ee dalkaasi. Ciiddanka Ammaanka ayaa sheegay inay dableyda rasaas ku fureen kooxda shaqaalaha tallaalka oo ku sugnaa Tuulladda Suldaan Zaay oo 100 KM dhanka Waqooyi galbeed kaga caasimadda Gobalka Kuweeta, iyadoo mid ka mid ahay shaqaalaha lagu dilay, halka mid kalena lagu dhawaacay. Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay bilaabeen baadhitaanka kooxihii weerarka geystay, waxaana si ku-meel-gaar ah loo hakiyey Talaalka cuddurka dabaysha ee Tuulladda uu weerarku ka dhacay. Tirada guud ee shaqaalaha Tallaalka ee toddobaadkan lagu dilay dalka Pakistan waxay gaarayaan ugu yaraan 3 qof. Source Share this post Link to post Share on other sites