Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Malayshiyaad lagu laayay duqeyn ka dhacday gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa  duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday ceel ku yaalla togga u dhexeeya tuulooyinka Timirshe iyo Cameeyra oo hoostaga degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha amniga Puntland ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in duqeynta jimcihii halkaasi ka dhacday lagu garaacay malayshiyaad ka tirsan Daacish oo ka dhaansanayey ceel ku yaalla togga Timirshe islamarkaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay.

Sarkaalka ayaa sheegay in  halkaasi lagu dilay xubno ka tirsan malayshiyaadkii la duqeeyay oo uu xusay in  qaarkood degaanka laga yaqaannay inkastoo uusan sheegin tiradooda iyo magacyadooda midna.

Sidoo kale wuxuu caddeeyay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo kaashanaya xogta ay gudbiyeen sirdoonka gudaha.

14-kii bishan April ayay ahayd markii duqeyn ka dhacday tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku-shuban lagu dilay ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya sida ay sheegtay dowladda Maraykanka oo duqeyntasi fulisay.

PUNTLAN POST

The post Faahfaahin: Malayshiyaad lagu laayay duqeyn ka dhacday gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this