Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland iyo Ireland oo yeelanaya xiriir cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar iyo Danjiraha Ireland u fadhiya Kenya Mrs. Lisa Doherty ayaa maanta ku kulmay Nairobi, iyagoona ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayen dhinacyada beeraha iyo dhaqaalaha.

Sida Wargeyska East African Business Week uu qorey, danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya Md. Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay in Ireland muhiim u tahay Somaliland, waxaanu xusay inay ka faa’iidi doonaan khibrad la xiriirta sida loo hirgeliyo kobcinta dhaqaalaha.

Wakiilka Somaliland ee Kenya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Somaliland iyo Ireland ay sii adkeynayaan cilaaqadkooda siyaasadeed, isla markaana ay sameyn doonaan fursado ku wajahan dhinaca iskaashiga dhaqaalaha.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this