Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab iyo Daacish oo weerar lagu qaaday ayaga oo dagaal isu hor-fadhiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Diyaarado dagaal oo aan la ogayn dalka laga leeyahay ayaa Weerar cirka ah ku qaadey saldhigyo Al-Shabaab iyo Daacish ay ku leeyihiin degaano hoos yimaado degmada Iskushuban ee gobolka Bari.

Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururda Daacish iyo Al-Shabaab oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey dhulka buuraleyda ah.

Dadka socotada ah ee soo gaaray tuulada Timirshe ee degmada Isku-shuban, ayaa sheegay inay salaadii Jimcaha  ee shalay kadib ay maqlayeen ugu yaraan 5 qarax oo xoog weyn oo ka dhacayey deegaanka Ceelka Shidi Cameyra ee u dhow tuuladaas.

Wararka ayaa sheegaya in shanta gantaal lagu kala garaacay dhowrka goobood ee kooxahan ay isku hor-fadhiyaan.

Majirto cid xaqiijisay khasaaraha ay duqeymahaasi ka geysteen goobaha lala beegsaday, hase yeeshee saraakiil ka tirsan Ciidanka maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen labada kooxood oo dagaal uu ka dhex oogan yahay.

14 bishan April ayay aheyd markii meel u dhow tuulada Xiriiro ee degmada Iskushuban duqeyn cirka ah lagu dilay Cabdxakiin Dhuqub oo maamulka Puntland sheegay inuu ahaa ku-xigeenka madaxa kooxda Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this