Sign in to follow this  
Deeq A.

War-saxaafadeed: Safiirka Maraykanka oo kulan la qaatay madaxweyne Deni oo ay weheliyaan Axmed Madoobe iyo Xaaf

Recommended Posts

Deeq A.   
Wadjir.jpg?w=1000&ssl=1labada dhinac ayaa ku kulmay Nairobi

Nairobi April 26, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay wehelinayeen Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Kulanka waxaa looga wadahadlay arrimaha Amaanka, Federaaliisamka, Dimuqraadiyeynta, maalgashiga , la dagaalanka argagixisada iyo Guud ahaan mashaariicda horumarineed ee dowladda Maraykanku ka caawiso Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ambassador Donald Yamamoto ayaa xusay in Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, gaar ahaan Puntland, Jubbaland iyo 
Galmudug ay waxbadan oo horumar ka hirgeliyeen deegaanadooda, gaar ahaan xasiloonida, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha amniga iyo badda, waxaana uu safiirku xaqiijiyey inay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaba oo taabagasha.

Sidoo kale Ambassador Yamamoto ayaa dowladda Puntland ku amaanay sida mar waliba ay uga go’antahay, la-dagaalanka Argagixisada iyo dhaqan gelinta hannaanka Federaalisamka, isaga oo xusay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada hirgelinta nidaamka dimuquraadiyaynta ee Puntland dedaalka ugu jirto inay hirgeliso.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dowladda Maraykanka uga mahadnaqay taageerada balaadhan ee ay Puntland kasiiso ladagaalanka Argagixisada iyo tababarida ciidamada, isla mar’ahaantaana Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey kulankan muhiimka ah uu la qaatay Ambassador Yamamoto.

-DHAMMAAD-

The post War-saxaafadeed: Safiirka Maraykanka oo kulan la qaatay madaxweyne Deni oo ay weheliyaan Axmed Madoobe iyo Xaaf appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this