Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Norway oo kordhinaysa mashaariicda ay siiso Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
NOrwet.jpg?w=1000&ssl=1Kulanka madaxweynaha iyo safiirka

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay, safiirka dalka Norway u qaabilsan Soomaliya Mrs Elin.

Kulanka madaxweynaha waxaa ku wehelinayey, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, waxaana looga wad-hadlay arrimaha: amniga, dimuqoraaddiyadda, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta doorka haweenka ee siyaasadda doorashooyinka xisbiyada badan, maalgeshiga, waxbarashada iyo la’dagaallanka argagixisada sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay  in ambassador Ms. Elin ay dowladda Puntland ku ammaantay biseylka siyaasadeed ee ay gaartay iyo sida mar waliba, si nabdoon ay uga qabsoonto doorasho xalaal ah, waxayna xustay in ay taasi muujinayso in Puntland ay u diyaarsan tahay, sidii ay ula tartami lahayd caalamka, isla markaana Ms. Elin ayaa balan qaaday in dowladdeedu ay si dhow ula shaqaynayso Puntland, ayna kordhinayaan mashaariicda ay Norway ka fuliso Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku ammaanay dowladda Norway doorka wanaagsan ee ay mar waliba ka qaataan Horumarinta Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan doorkooda wanaagsan ee Puntland khaasatan dhinacyada waxbarashada, Caafimaadka iyo doorashooyinka, waxaana uu kulanku kusoo dhammaaday is af-garad iyo guul.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sida qorshuhu yahay, maalinta berriya oo sabtiya dib ugu soo laabanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kadib markii uu soo dhammaystay safar shaqo oo uu Nairobi ku joogay.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Norway oo kordhinaysa mashaariicda ay siiso Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this