Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Ciidamadda Dowladda iyo Alshabaab ku dhexmaray Sabiid iyo Caanoole.

Recommended Posts

Deeq A.   

Sh/Hoose(SMN):- Wararka laga helayo Deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya  in halkaasi uu xalay ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Xarakadda Alshabaab iyo Ciidamadda Dowladda.

Alshabaab ayaa Weerar kusoo qaadey Saldhigyo kuyaala Deeganadaasi, waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal toos ah sida ay Shabelle xaqiijiyeen Ilo Madaxbanaan oo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Goobta ay wax ka dhaceen xalay laga maqlayey dhawaaqa Hub culus.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay in Dagalkasi ay ku hantiday fariisimo muhiim u ah Ciidamadda Dowladda.

Majirto wax hadal ah oo kazoo baxay Taliska Ciidamada Dowladda balse Sabiid iyo Caanoole ayaa Alshabaab waxa dhawaan kala wareegay Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this