Deeq A. Posted April 26, 2019 Sh/Hoose(SMN):-Rakaabkan oo saarnaa Gawaari Xamuul ah ayaa Ragan Hubaysan waxa ay ugaysteen Boob iyo dhibaatooyin kale, sida ilo Deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magalada Muqdisho. Ilaa 5 Ruux oo haween ah ayey jirdileen Kooxda, iyadoo 2 kamid ah Dumarkaasi la sheegay in ay qabaan Dhaawacyo halis ah. Inta badan wadooyinka isku xira Degmooyinka iyo Deegaanada hoostaga Gobolkaasi waxaa ka dhaca falal lagu dhibaateynayo shacabka masaakiinta ah, waxaana Mas’uuliyadda arintaasi dhabarka u ridanaya Maleeshiyaad Hubaysan oo mararka qaar xiran Tuutaha Ciidamada Dowladda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites