Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Kuraas ka banaan Golaha Shacabka oo lagu qabanayo Baydhabo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo(SMN):-Gudoomiyaha  Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ibraahim oo ku sugan Magalada Baydhabo Janaay ayaa sheegtay in ay Dardargalinayan Buuxinta Sedex Kursi oo ka banana Parlamaanka Soomaaliya Kuwaaso Matalaya Shacabka Koonfur Galbeed.

Kuraasta lagu tartamayo ee ka banaaan Golaha shacabka waxaa kamid ah Midkiiuu Baneeeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xassan maxamed Lafta Gareen

Xaliimo yarey ayaa Xaqiijisay Xubinimadii Parlamanka ee uu Lumiyey Lafta Gareen in uusan wax damac ah uga Jirin Hada islamarkana uu isagu u balanqaadey in uu kala qayb qaadan doono sidii xubnahasi maqan loogu dooran lahaa Baydhabo.

Dhanka kale waxaa ay ugu Baaqday Murashaxiinta u hanqal tagaya Kuraastan in ay Sharuudaha soo buuxiyan.

Cod

Xubno katirsan Parlamanka Soomaaliya ayaa Marar ka qaar lumiya Xasaanadooda ha noqoto in ay iyagu si isgood ah uga tanaasulan iyo in ay lasoo gudboonaato Xalado Dabiici ah sida in uu Mudanuhu Geeriyoodo ama Geeriyooto.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this