Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Norway oo wadahadallo laba dhinacle ah ku yeeshay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ka kala socda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Norway ayaa wada hadallo laba geesood oo miradhal ah  ku yeeshay shalay Magaalada Muqdisho, kaasi oo diiradda lagu saarray wax wadaag joogta noqonaya, saaxiibtinimada iyo iyo ka guul keenidda dano is dhaafsiga. Norway waxa ay gacan ka geysanaysaa Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo tubaha Xukuumadda ee kobcinta dhaqaallaha, siyaasadda loo dhanyahay iyo horumarinta adeegyada bulshada, ammaanka iyo garsoorka.

Labada dhinac ayaa waxa ay markale caddeeyeen sida ay uga dhab tahay qoto dheereynta xiriirka laba geesoodka, iyada oo loo marayo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo xooggan, taasi oo lagu taabagelinayo xiriirka wada-shaqayn iyo baahida loo qabo dardargelinta dadaallada hore loogu  sii dhaqaajinayo danaha labada shacab.

Wafdiga Soomaaliya waxaa madax u ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi oo ay ku wehliyeen mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Dhanka Wafdiga Dowladda Norway waxaa hoggaaminaysay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gobolka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Marwo Tine Mørch Smith oo ay ku wehliyeen Safiiradda Norway ee Soomaaliya Marwo Elin Bergithe Rognlie  iyo saraakiil sar sare oo ka kala tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway iyo Safaaradda Norway ee Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this