Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheeko Cajiiba: Haweeney dhashay 38 mataano ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Mataano.jpg?w=1000&ssl=1Mariam iyo caruurteeda

Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa sheeko cajiiba ka qortay,  haweeney u dhalatay waddanka Uganda oo haysata 38 caruura oo dhammaantood mataano ah.

Haweeneyda oo lagu magacaabo, Mariam Nabatanzi ayaa la guursaday iyadoo aad u da’yar, wxaana ay laba mataano ah ku curatay, iyadoo ay da’deedu tahay 12 sano jir.

Haweeneydan ayaa markasta  oo ay uur qaado, waxay dhashaa carruur mataano ah: sida laba, saddex , afar, shan ilaa ay ugu dambeyntii hal mar wada-dhashay lix mataano ah, inkastoo da’daasi ay dhammaantood ka dhinteen.

 Warbixinta ay qortay Reuters, waxaa lagu sheegay in haweeneydan uu ninkeedii ka tegay, saddex sano ka hor, iyadoo haysata 38 carruura oo dhammaantood mataano ah.

Mariam iyo carruurteedu, waxay hadda ku nool yihiin tuulo 50 km u jirta magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi Uganda, waxaana guri u ah afar qol oo ku dhex yaalla mid kamid ah beeraha bunku ka baxo ee tuuladaasi.

Sida ay sheegayso Mariam,  markii u horreysay ee ay mataano dhashay, waxay tagtay xarun caafimaad, waxaana dhakhtarkii u sheegay, in cabbirka ugxan-sidayaasheedu ay aad u weyn yihiin, isagoo kula teliyay in aysan qaadan dawooyinka dhalmada lagu joojiyo, si aysan dhibaato caafimaad uga dhaxlin.

Mariam ayaa wakhtigan la daala-dhacaysa korinta ubadkeedan badan, kadib markii uu ka tegay ninkii ka dhalay oo sida ay sheegtay kolkii horeba aad u dayici jiray qoyska. (Sheekada oo dhan halkaan ka akhriso)

Waxay sheegtay in wakhtigeeda badankiisa ay ku qaadato, daryeelka ubadkeeda oo uu culays weyni ka haysto, maadaama ay cunto, dhar, daweyn iyo waxbarasho ka sugayaan 38 carruur ah oo aan cid kale la korinayn. Taasi oo ay sii dheertahay in aysan helin shaqa fiican oo ay noloshooda ku maarayn karto.

PUNTLAND POST

The post Sheeko Cajiiba: Haweeney dhashay 38 mataano ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this