Sign in to follow this  
Deeq A.

“Dad lagu masruufo Muqdisho ayaa loo adeegsan rabaa faragelinta doorashada Jubbaland”

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-C/raxmaan Maxamed Faroole oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa markaan kamid noqonaya xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya oo markii hore saaxiib dhow uu la ahaa.

C/raxmaan Faroole wuxuu kamid ahaa xubnaha dowladda Soomaaliya ku matalayay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe, isaga oo mar walbaa doonayay isbadal ka dhaca Puntland, maadaama uu dagaal adag kula jiray madaxweyne Gaas.

Senetor Faroole ayaa walaac xoogan kamuujiyay dhaqan gelinta heshiisyadii ugu dambeeyay ee dowladda Soomaaliya ay la gashay madaxweynaha Jubbaland, isaga oo sheegay inuu qeyb ka ahaa xubnaha loo qorsheeyay dhaqan gelinta heshiiskaasi.

Wuxuu sidoo kale sheegay dowladda Soomaaliya xubno ay u qorsheysan inay doorashada Jubbaland u matalaan inay dhaqaalo ku qaataan magaalada Muqdisho, taasi ay wali cadeyneyso inay faragelin ku heyso Doorashada Jubbaland

Dhaqaalo badan ayuu sheegay in dowladda ay ku bixisay doorashadii Puntland iyo Koofur Galbeed, haddana ay dooneyso sidaasi oo kale inay dhaqaalo ku bixiso Jubbaland.

“Halkaan markaan imaanayay faragelin xoog leh ayaa ka dhacday oo dowladda dhexe lacag badan ku bixineysay, 21 ruux oo halkaan ku tartamayay badankood ayaa dowladda lacag siisay”

“Arinta Jubbaland ayaa hadda taagan, oo heshiis hadda lala galay markii xamar la iskuugu yimid, waxaan isku daynay inaan ka shaqeyno sidii loo dhaqan geli lahaa heshiiskaasi, balse waxaa muuqata inaan la dhaqan gelin waxii lagu heshiiyay”.

“Dad badan oo Xamar lagu masruufo ayaa oo halkaasi ka tartamaya, Faragelin ayaa wali lagu hayaa doorashada Jubbaland, caalamka wuu og yahay, shacabkana hadda ha ogaadaan”ayuu yiri Senetor Faroole.

Dhawaan Jubbaland waxaa ka dhacaya doorashada madaxweynaha iyo soo xulista xildhibaanada, waxaana dowladda Soomaaliya markale culeesyo kaga imaanayaan maamul goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this