Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox ka tirsan burcad-badeeda Soomaalida oo 3 weerar qaaday kadibna la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
Burcad-la-qabtay.jpg?w=1000&ssl=1Sawir hore: Burcad-badeed la qabtay

Hawlgalka Midowga Yurub ee ka hortagga iyo la’dagaallanka burcad-beedda xeebaha Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay qabteen 5 ka tirsan burcad-beedda Soomaalida oo weerarro geystay maalmihii la soo dhaafay.

War qoraal ah oo ka soo baxay hawlgal Midowga Yurub ee loo yaqaan EU NAVFOR ayaaa lagu sheegay in kooxda la qabtay ay jimcihii hore ee ku began 19-kii bishan April ay xeebaha Soomaaliya ka af-duubteen doonni kalluumeysi oo laga leeyahay waddanka Yemen kadibna ay doontaasi ku weerar tageen.

Sida qoraalka lagu sheegay kooxda burcad-badeedda ah oo adeegsanaya doontii ay af-duubteen ayaa maalintii talaadada ee 23 bishan April weerar ku qaaday doonni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Koonfur Kuuriya xilli ay maraysay badweynta Hindiya gaar ahaanna  meel 280 nautical miles u jirta xeebaha Soomaaliya.

Doonnida Kuuriyaanka oo magaceeda lagu sheegay Adria ayaa si xawli ah ku socotay kadib markii ay soo weerareen  kooxda burcad-badeedda waxaana ay u tagtay doonni kale oo kallluumeysi taasi oo iyadana laga leeyahay dalka Spain sida ay sheegtay EU NAVFOR.

Doonnida Spanish-kaa oo magaceedu yahay Txori Argi iyo doonta Kuuriyaanka ee Adria oo iskaashanayaa ayaa sida qoraalka lagu sheegay iska difaacay kooxda burcad-badeedka ee weerarka qaaday.

Isla maalintaasi doonni kale oo magaceedu yahay FV shin Shuen Far ayaa sheegtay in ay u soo dhowaadeen laba doonyood oo nooca yar yar ah balse ay dib u laabteen kadib markii ilaalo hubaysan oo doonta saarnaa ay rasaas huwiyeen.

Hawlgalka Midowga Yurub ayaa sheegay in kadib dhacdooyinkaa isxigay ay direen diyaarad nooca sahanka ah oo soo heshay halka lagu haysto doontii Yemen ee la af-duubtay jimcihii hore dabadeedna hawlgal ay ku qaadeen halkaasi lagu qabtay 5 burcad-beeda oo af-duub u haystay doonnida islamarkaana laga sii daayay doontii iyo 23 qof oo saarnaa.

Hawlgalka EU NAVFOR  ayaa sidoo kale doonyaha iyo maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya ku boorriyay in ay xoojiyaan ilaaladooda gaarka ah si ay isaga difaacaan haddii weerar uga yimaado kooxaha burcad-badeedda Soomaalida.

Af-duubta marakiibta iyo doonyaha ay u gaystaan burcad-badeedda Soomaalida ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo sannadkii 2012 kadib markii la wiiqay awoodooda balse waxaa jiray dhacdooyin af-duub oo ay geysteen sannadihii tegay.

PUNTLAND POST

The post Koox ka tirsan burcad-badeeda Soomaalida oo 3 weerar qaaday kadibna la qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this