Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Kenya oo howlgallo ka sameeyay J/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhoobley (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta Ciidamada Kenya howlgallo baaritaano ah ay ka sameeyeen deegaano dhaca xadka Soomaaliya ay la leedahay dalka Kenya.

Ciidamada ayaa la sheegay in tiro dad ah oo u badan Haween ay ku qab qabteen howlgalladaasi.

Dadka deegaanka ayaa baaritaanadan walaac ka muujiyay, waxaana ay sheegeen in Ciidamada Kenya ay ku hayaan dhibaatooyin xoogan.

Howlgalladan ayaaku soo aadayaan, xilli dhawaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al Shabaab ka bilaabeen G/Jubbada Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this