Deeq A. Posted April 25, 2019 Dhoobley (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta Ciidamada Kenya howlgallo baaritaano ah ay ka sameeyeen deegaano dhaca xadka Soomaaliya ay la leedahay dalka Kenya. Ciidamada ayaa la sheegay in tiro dad ah oo u badan Haween ay ku qab qabteen howlgalladaasi. Dadka deegaanka ayaa baaritaanadan walaac ka muujiyay, waxaana ay sheegeen in Ciidamada Kenya ay ku hayaan dhibaatooyin xoogan. Howlgalladan ayaaku soo aadayaan, xilli dhawaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al Shabaab ka bilaabeen G/Jubbada Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites