Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in ay gurmad caafimaad gaarsiisay degmada Taleex oo Shuban ka dillaacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey  oo ka warbixinayey shirkii golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay gargaar caafimaad oo deg deg ah gaarsiisay degmada Taleex ee gobolka Sool kadib markii halkaasi uu ka dillaacay cudurka Shuban-biyoodka.

Sabareey ayaa sheegay in wasaaradda Caafimaadka Puntland ay laba kooxood oo caafimaad u dirtay degmada Taleex si ay ula tacaalaan xaaladda cudurka Shuban-biyoodka oo ku dhacay qaar kamid ah bulshada degmadaasi ku nool.

Wasiirka ayaa sii raaciyay in kadib markii ay gurmad caafimaad u fidisay xukuumadda Puntland ay haatan xaaladoodu soo hagaagayso dadkii uu ku dhacay cudurka Shuban-biyood ee ka dillaacay degmada Taleex.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in ay gurmad caafimaad gaarsiisay degmada Taleex oo Shuban ka dillaacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this