Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr Faroole oo eedayn culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland , ahna xildhibaan ka tirsan aqalka sare Baarlamanka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole, ayaa  dhaliil culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Faroole oo maanta Garoowe ku soo dhaweeyay, xubno ka tirsan xildhibaannada aqalka sare ku metala dowladda Puntland oo wada-tashi u yimid, ayaa ugu horrayn maamulka madaxweyne Farmaajo  ku eedeeyay in uu qalday Dastuurkii KMG ahaa dalka, wixii ay soo diyaariyeenna la isku raaci waayay, sidaas tarteedna dalku haatan uusan wax Dastuura lahayn.

Dastuurkii la isla raacay oo Federaalka ahaa oo qabyada ahaa, wadadu ku socdaa maaha wadda saxa ee waa qaldanyahay, wax ka hagaagayna ma jiraan, afartii sano ee dowladda Federaalka ah maadxweynaheeda iyo Baarlamanadeeda la doortayna, waxaa ka haray mudda laba sano ka yar, wax Dastuura oo maanta jiraana ma jiraan” ayuu yiri Faroole.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso doorashooyinka dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu sheegay in fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay ay ka dhalatay dhibaato iyo fidno lagu laayay dad aan waxba galabsan.

Balse wuxuu tilmaamay in Villa Somalia ay ku fashilantay fara-gelin ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Puntland oo sida uu sheegay ay lacago badan ku bixisay murashixiinta qaar inkastoo aysan soo bixin dadkii ay wadatay.

Senetor Faroole ayaa sii raaciyay in weli xukuumadda Federaalku ay waddo fara-gelinta dowlad goboleedyada, isagoo xusay in ay gebi ahaanba ka baxday heshiis ay dhowaan la gashay Jubaland islamarkaana ay dabada ka soo riixayso murashixiin dhankeeda ka socda , si ay doorashada Jubaland u fara-geliso.

Dhinaca kale, wuxuu Villa Somalia ku eedeeyay, in ay furfurid iyo kala qeybin ku hayso, heerarka kala duwan ee Baarlamaannada Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo sida uu sheegay ay shirar iyo kulamo abaabulan ka dhex waddo.

Isagoo sii hadlayay ayaa senator Faroole carrabka ku adkeeyay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dagaal kula jirto nidaamka Federaalka ee dalku qaatay, balse aan cidna laga yeeli doonin in ay burburiso hannaankii umadda Soomaaliyeed ku heshiisay ee Federaalismka.

PUNTLAND POST

The post Dr Faroole oo eedayn culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this