Sign in to follow this  
Deeq A.

IGAD oo Belgium ku bogaadisay aqoonsiga baasaboorka Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (SMN) – Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay go’aankii horaantii bishan April ka soo baxay dowladda Belgium ee ay ku shaacisay in ay ku aqoonsatay baasaboorka dalka Soomaaliya.

War-Saxaafadeed ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid xoojinaysa xiriirka Soomaaliya iyo Belgium-ka, sidoo kalena u fududeynayso dowladda Federaalka in ay si toos ah ula macaamisho hay’adaha Midowga Yurub ee fadhigoodu yahay magaaladda Brussels.

Xoghayaha Guud ee IGAD Mahboub Maalim ayaa tilmaamay in go’aanka Belgium-ka uu muujinayso in ay jirto kalsooni sii xoogeysanaysa oo Beesha Caalamka ay ku qabaan dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.

Mahboub Maalim ayaa ugu baaqay dalalka kale ee Yurub inay ku daydaan tallaabada Belgium-ka isagoo ka codsaday in ay aqoonsadaan Baasaboorka Soomaaliya.

Dowladda Belgium-ka ayaa todobaad ka hor shaaciayay in ay aqoonsatay Baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha ee Soomaaliya, balse dib u dhigtay aqoonsiga Baasaboorka dadka caadiga ah ah ee aan u shaqeynin dowladda.

Dowlado badan ayaa joojiyay in dalalkooda lagu tago Baasaboorka Soomaaliya, kadib markii la riday dowladdii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991, sababo la xiriira amniga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this