Deeq A. Posted April 25, 2019 Muqdisho (SMN) – Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in Ciidamada dowladda ay gacanta ku soo dhigeen xubin ka tirsan Amniyaatka Al Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka M/Muqdisho. “Howlgal aan cidi wax ku noqon oo Ciidanka amnigu ka fuliyay Ceelasha Biyaha ayaa lagu soo qabtay howlwadeen Amniyaatka Alshabaab ka tirsan,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka NISA. Hay’adda Nabad Sugida ayaa sidoo kale tilmaantay in Saraakiisha amniga ay ku hayaan baaritaan la xariira howlaha uu ku jiray ninka la soo qabtey, oo aan wali magaciisa iyo goorta gacanta lagu dhigay aan la shaacin. Maalin ka hor, NISA ayaa sheegtay in Ciidanka amniga ay qabten xubin ka mid ah Amniyaatka Al Shabaab oo ku sugnaa degmada Shibis, kaas oo ay xustay in uu ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ee gobolka Banaadir. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan sheegashada NISA ee ah in la qabtey labo xubnood oo garabka Sirdoonkeeda ka tirsanaa. View the full article Share this post Link to post Share on other sites