Deeq A. Posted April 25, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Wasiiro, Xildhibaano, Senataro, siyaasiyiin iyo dadweyne faran bada ayaa si weyn u soo dhaweeyay Sheekh Shariif oo haatan ah hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran. Waxa uu tilmaamay isaga oo la hadlay taageerayaashiisa inuu u yimid arrimo la xariira xisbigiisa oo la sheegay in dib u habeyn iyo isbedal lagu samey rabo. Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ayaa tan iyo markii uu isaga tagay xilka ku noolaa dalka dibaddiisa. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites