Deeq A. Posted April 25, 2019 Balanbale (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xiisad colaadeed laga dareemayo deegaanka Balanbale ee gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa lagu soo warramayaa in ay u dhexeyso Maleeshiyo Beeleed wada daga halkaasi. Dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinaya in markale dagaallo ay ka dhacay gudaha deegaankaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona Maleeshiyaadka labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud. View the full article Share this post Link to post Share on other sites