Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar Kamid Ah Xubnaha Ugu Sarreeya Millatariga Suudaan Oo Is Casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Saddex kamid ah xubnaha ugu sarreeya golaha sare ee millatariga Suudaan ayaa xilka iska casilay, arrintani ayaa kamid aheyd waxyaabaha ay doonayeen dibadbaxyaasha dalkaasi.

eacf9fcd-2855-44bc-90f5-2233703c7274.jpg

Xubnahan ayaa kamid ah hoggaanka sare ee golaha millatariga ee awoodda la wareegay.

Saraakiishan is casishay ayaa waxay saaxiib dhaw la ahaayeen madaxweynihii Suudaan ee xilka laga tuuray, Cumar Xasan Al Bashiir.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay dalka Suudaan ka socday kulan ay lahaayeen golaha sare ee militariga iyo hoggaamiyeyaasha dadka bannaanbaxa dhigaya si xukunka loogu wareejiyo dowlad rayid ah.

Afahayeenka Millatariga Suudaan, Janaraal Shamsuddiin Kabbashi ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dhinacyada militariga iyo hoggaamiyeyaasha dibadbaxyaasha ay ka heshiiyeen inta badan codsiyada shacabka oo ay kamid tahay in la helo dowlad rayid ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this