Deeq A. Posted April 25, 2019 ” Kaftanka maanta ,Sunaha kulmiye ku socdo ” . Wax waliba dabeecad iyo sune ay ku socdaan ayay leeyihiine,Xisbiga kulmiye sunne iyo khariidad uu ku socdo ayuu leeyahay , taasoo marka aad muuqaalkeeda aragtaba aad si fudud u fahmi karto . Sunaha kulmiye ku socdana waa tubtii iyo wadadii uu jeexay maamulkii Siilaanyo . Tusaale . Xukuumaddii Siilaanyo , bahda Magaaladdu waxay ku lahayd shan wasiir , kuwaasoo kala ahaa afar wasiir oo rag ah iyo hal wasiir oo gabadh ah , waxaanay bahdu waagaas ahayd beesha ugu wasiirada badan . Xukuumadda Cusub ee Muuse , Bahda miyigu waxay ku leedahay Afar Wasiir oo rag ah iyo hal wasiir oo gabadh ah . Xukuumadii Siilaanyo , waxay soo kordhisay labadii sanno ee ugu horeeyey ,boos aan horre u jiri jirin , waxaana booskaas oo loo bixiyey Cheif of Cabinet loo magacaabay nin aan horre siyaasadda ugu jirin oo kasoo jeeda Raaska Madaxwayne Siilaanyo ee Maxamed Abokor kaasoo maamula madaxtooyadda . Xukuumadda Cusub ee Muusena , waxay soo kordhisay Agaasiimaha guud ee Madaxtooyadda , kaasoo ah nin aan siyaadadda horre ugu jiri jirin , oo kasoo jeeda jufada Madaxwaynaha ee Xuseen Abokor , waa Maxamed Cali Bille. Dawladii Siilaanyo Wasiirka keliya ee xilka lagga qaaday ee kasoo jeeday beesha Madaxwaynuhu waxay ahayd Marwo Ilhaan oo ka mid ahayd qurbe-jooga kasoo noqday Wadanka Kanadda , Dawlada Muuse na Wasiirka keliya ee xilka lagga qaaday ee kasoo jeeda beesha Madaxwaynuhu waa Guri-barwaaqo isna ka mida ah qurbe-jooga kasoo noqday Isla Wadankaas Kanadda . Xukuumadii Siilaanyo Beelaha Ciise , Ciidagale waxa kaga jirey min hal wasiir , xukuumada muuse na min hal wasiir . Sidoo kale , Beelaha Gadabiirsi iyo Habar yoonis iyo Dhulbahnte ,waxaa kaga jirey min3 wasiir ayaa kaga jirey Xukuumaddii Siilaanyo , ta Muuse na min sadex wasiir . Sidoo kale , Beelaha Arab iyo Ciise Muuse ayaa iyana labada dawladood ay kaga jireen min laba wasiir . Si kastaba ha ahaatee , taageerayaasha xukuumaddan muuse waxay jecel yihiin dhagaysiga heesta tidhaahda , hayaanka tubtiisa haysta , markaad eegto xukuumadda cusubi u leedahay talaabadda xukuumadii horre waxaad ogaanaysaa in hayaanku weli tubtiisii haysto . Source Share this post Link to post Share on other sites