Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada BF ee heysta dhalashada UK oo safiirkooda kula kulmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee heysto Dhalashada dalka UK ayaa waxay Magaalada Muqdisho kula kulmeyn safiirkooda u fadhiyo Soomaaliya.

Kulanka labada dhinac oo ka dhacay safaaradda UK ee Muqdisho ayaa waxaa la iskula soo qaaday xaaladda guud ee Soomaaliya, sida ay u wada shaqeyn karaan labada dal iyo waxyaabaha la midka ah.

Safaaradda INgiriiska ee Soomaaliya ayaa intii uu kulanka socday waxaa ay soo bandhigtay habka ay u socdaan kaalmada Dowladda UK ay ku bixiso Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Dalalka Ingiriiska iyo Soomaaliya oo ay si wadajir ah uga shaqeynayaan safaaradda UK ee Muqdisho iyo Xildhibaannada heysta dhalashada Ingiriiska eek u jira Baarlamaanka Soomaaliya.

Inta badan Xildhibanada, Wasiirada iyo madaxda ugu sareeyo dalka ayaa heysto dhalasho dalal kale taasoo qeyb ka ah Xisilooni darada siyaasadeed ee ka taagan dalka maadaama ay ka shaqeenayaan danaha dalal kale isla markaasna aysan dan ka laheyn dalka Soomaaliya.

Xildhibaano.png

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this