Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacish Oo Soo Bandhigay Kooxdii Fulisay Qaraxyadii Boqolaalka Qof Ku Dhinteen Ee Sri Lanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sri Lanka)-Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay muuqaalka kooxdii fulisay weeraradii is qarxinta ahaa ee Axadii la soo dhaafay ka dhacay dalka Sri Lanka, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan saddex boqol oo qof.

ISIS-Sri-Lanka-1-696x392.jpg

Muuqaalkan oo ay ka dhex muuqdeen illaa sideed qof oo wajiga u xirnaa iyo hoggaamiyahooda ayaa waxay bayco ama balan la galayeen Hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, iyagoo sheegaya inay awaamiirtiisa fulinayaan.

Kooxdan ayaa isku qarxiyay saddex kaniisadood iyo saddex Hoteel caan ah, waxaana labo ka mid ah dadka is qarxiyay ku jiray labo walaalo oo ka soo jeeday Qoys caan ku ah Ganacsiga.

ISIS ayaa sheegtay in weeraradaas ka dambeyso, hase ahaatee dowladda Sri Lanka ayaa sheegtay in weerarkan ay qaaday Koox Maxali Xagjir ah.

In ka badan 60 ruux ayaa loo xiray qaraxyadan ka dhacay dalka Sri Lanka, waxaana la sheegayaa in weli lagu haayo baadigoob rag kale oo qeyb ka ahaa weeraradan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this