Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonada Isbaheysiga Baarlamaanka Africa oo Muqdisho kusoo wajahan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay magaalada Muqdisho ku casuumeen inay yimaadaan guddoonada baarlamaanka 11 dal oo ku yaala Qaarada Africa.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka C/Welli Sheikh Ibraahim Muudeey ayaa ka sheegay maalintii shalay kulan xildhibaanada baarlamaanka ku yeesheen magaalada Muqdisho, in Muqdisho kuso wajahan yihiin guddoonada baarlamaanada Africa.

Gole isbaheysi oo ay ku mideysan yihiin baarlamaanada 11 dal oo ku yaala Africa, waxaana sida la qorsheeyay isbaheysigan golahaan ay imaan doonaan magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay in ujeedada xubnahaan u imaanayaan magaalada Muqdisho ay tahay inay qibrad ahaan wax badan ka faa’ideystaan qaababka ay ku xaliyaan dhibaatooyinka ka jira dalalkooda.

Hogaanka Isbaheysigaan ayaa waxaa loo doortay xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la sheegay in isaga uu warbixin golaha ka siiyay isbaheysigaan iyo ujeedada laga leeyahay.

“Golaha shacabka ayaa marti qaaday, waxaana rabnaa inaan ka faa’ideysano qibradooda iyo qaabkii ay kaga guuleysteen dhibaatooyinkii dhacay”ayuu yiri guddoomiye Muudeey.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaan Cabdi Cali uu bixiyay talooyin badan oo la xiriirta casuumaada loo fidiyay xubnaha isbaheysigaan oo imaanaya magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this