Sign in to follow this  
Deeq A.

“Villa Somalia Al shabaab dagaal kagama adkaan karto hal arin ayaase looga guuleysan karaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Lataliyihii Hore ee madaxweyne Farmaajo Xuseen Macalin Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka amaanka ee dalka Soomaaliya iyo dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto Al Shabaab.

Ugu horeyn lataliyahii madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan hadda wax guul ah ka gaari karin dagaalka lagula jiro Al Shabaab, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in xal kale la raadiyo.

Xuseen Macalin oo ah guddoomiyaha machad ka faalooda arimaha amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay ka dhabeyso wadahadal lala galo Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dhawaan ka dhawaajiyay inuu wadahadal la galayo Al Shabaab, islamarkaana loo baahan yahay inuu ka dhabeeyo wadahadalkaasi si looga baxo dhibaatada ka jirto dalka.

“Al shabaab Dowlada dagaal kagama adkaan karto ee xalku waa wada hadal wa in lagu dayaa oo waliba madaxweynuhu uu ka dhabeeyaa “ayuu yiri Xuseen Macalin maxamuud La taliyihi hore ee Madaxweyne Farmaajo.

Dhawaan Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya usoo jeediyay inuu ka dhabeeya wadahadal uu la qeybo qeybaha kala duwan ee mucaaradka ku ah dowladiisa.

Al Shabaab ayaa dagaal adag kula jira dowladda Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida ay wadahadal ku aqbali doonaan, maadaama ay horey usoo bandhigeen sharuuda ay kamid yihiin in dhamaan ciidamada ajaaniibta laga saaro dalka.

Wasiirkii hore ee amniga xukuumaddii Xasan Shiekh ayaa horey u sheegay in dowladda Farmaajo ay ku wareejiyeen cadeymo la xiriira in wadahadal ay kula jireen Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this