Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex kamid ahaa golaha maamula Suudaan oo lagu khasbay in ay iscasilaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha ku meel gaarka ah ee militariga dalka Suudaan ayaa shaaciyay in saddex kamid ah xubnihiisa ay is casileen gelinkii dambe ee Arbacadii shalay si looga jawaabo cadaadiska dibad-baxayaasha oo ku eedeeyay saddexdaasi xubnood in ay ka tirsanayeen maamulkii dhacay ee Omar al-Bashir.

Xubnaha iscasilay waxaa ku jira guddoomiyihii guddiga siyaasadda ee golaha ku meel gaarka dalkaasi maamula Omar Zainal Abideen iyo laba sarkaal oo kale sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay golaha.

Isbahaysiga xorriyadda iyo isbeddelka oo kamid ah dhinacyada hoggaaminaya dibad-baxyada ka socda waddanka Suudaan ayaa durbadiiba soo dhoweeyay iscasilaadda xubnahaasi oo ay ku tilmaameen “haraaga nidaamkii hore”.

Isbahaysiga ayaa sidoo kale ogolaaday in ay la fadhiistan golaha ku meel gaarka ah ee militariga maadaama sida ay sheegeen meesha ay ka baxeen xubnihii ay diiddanaayeen ee ka soo shaqeeyay nidaamkii hore.

Dhinacyada kale ee kacdoonka Suudaan ayaa iyana  la sheegayaa in qaarkood soo dhoweeyeen islcasilaadda saddexda xubnood ee lagu eedaynayey nidaamkii hore balse weli lama xaqiijin in ay ogolaan doonaan wada-xaajoodka militarigu ku baaqay.

PUNTLAND POST

The post Saddex kamid ahaa golaha maamula Suudaan oo lagu khasbay in ay iscasilaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this