Deeq A. Posted April 25, 2019 Deni iyo Chabbra oo kulmay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, ayaa xalay kulan la qaatay safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya, Rahul Chabbra. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga hadlay: arrimaha ganacsiga & maalgeshiga, waxbarashada, Caafimaadka iyo tababaridda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland. Ambassador Chabbra, ayaa xukuumadda Puntland ku ammaanay, kaalinta ay ka qaadatay amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo la’dagaallanka burcad-badeedda, waxaana uu ballan-qaaday in dowladdiisu xiriir wanaagsan la yeelan doonto Puntland, sida ku cad war-saxaafadeedka. Madaxweyne Deni, ayaa isna dhankiisa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay, in ay wada-shaqeyn la yeelato dowladda Hindiya, si kor loogu qaado xiriirka Puntland iyo waddanka Hindiya. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Safiirka Hindiya oo ballan-qaad u sameeyay Puntland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites