Deeq A. Posted April 25, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaqada ka ruqsaysay 130 qof oo dhalinyaro dalka wax ku bartay ah. Dhalinyaradaan ayaa ku dhowaad 4 sano si lacag la’aan ah ugu shaqaynayay Isbitaalka Martiini oo ay dowladda Soomaaliya kala wareegtay hey’addi gacanta ku haysay. Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar, Agaasimaha Wasaaradda, HRM-ka Wasaaradda iyo Xubno kale ayaa shaqaalaha Khamiistii ku wargeliyay in shaqada laga ruqseeyay, dowladana ay qaadan doonto Shaqaale cusub. Qaar kamid ah Dhaqaatiirtaan oo aan la hadlnay ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ubadan yihiin dhalinyaro dalka Gudihiisa wax ku bartay iyo kuwa kale oo dibadda waxbarasho u aaday oo dalka ku soo laabtay kuna qanacsanaa dalkooda, balse ay dowladda Soomaaliya shaqo la’aan dhigayso halkii ay aheyd in ay dhalinyarada Shaqo u abuurto. Shaqaalahaan oo isugu jira hablo iyo wiilal ayaa ka walaacsan halka ay Xaaladooda ku dambeyn doonto hadii ay ka tagaan shaqadaan, waxayna dowladda Soomaaliya dalbadeen in ay ka laabato go’aankaasi. Mid kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Martiina ee shaqada laga eryay ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ka fekarayaan sidii ay ku heli lahaayeen badalka shaqo kale. Qaarkood ayaa sheegay in ay dalka ka tahriibayaan hadii ay go’aansato dowladda Soomaaliya in shaqada ka Cayriso sababtoo ah waxay sheegayn in aysan haysan shaqo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites