Sign in to follow this  
Deeq A.

Arday ka qalin-jebisay dugsiga degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20190424-WA0003.jpg?w=1000&ssl=1Ardayda qalin-jebisay

In ka badan 60 arday ayaa maanta ka qalin-jebisay dugsiga H/Dhexe/ Sare degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal.

Ardaydan oo ka kooban fasalka 8 aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4 aad ee dugsiga sare, ayaa maamulka iyo macallimiintu ku sheegeen dufcaddii 26 aad ee ka qalin-jebisa dugsiga Qarxis oo la aas’aasay sannadkii 1978-dii.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Puntland, maamulka degaanka,  waalidiin, waxgarad, culimaa’uddiin iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda ay ku qalin-jebinayeen ardaydan oo lagu qabtay isla degaankaasi Qarxis ee gobolka Nugaal.

Maamulaha dugsiga Qarxis Mukhtaar Khaliif Faarax oo ka warbixiyay tirada ardayda qalin-jebisay ayaa sheegay in sannadba-sannadka ka dambeeya ay sii kordhayaan ardayda ka baxayaa dugsiga oo sida uu sheegay la as’aasay sannadkii 1978.

Dhankooda Qaar kamid ah waalidiinta ardayda qalin-jebisay oo munaasabadda ka hadlay, ayaa bogaadiyay  guusha ay da’yartaasi ka gaareen waxbarashadooda, waxaan ay ku boorriyeen in ay halkaasi ka sii wadan dadaalka.

Sidoo kale, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Faarax ayaa isna u hambalyeeyay ardayda qalin-jebisay, isagoo ku dhiirri-geliyay in ay heerarka waxbarasho ee u harsan ka mira-dhaliyaan, si ay dadka iyo dalkaba u anfacaan.

Ugu dambeyn, Xafladda ayaa ku soo dhammaatay jawi qurux badan oo farxadi ka buuxdo.

IMG-20190424-WA0003.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190424-WA0002.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190424-WA0001.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Arday ka qalin-jebisay dugsiga degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this