Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Mucaarid Baan Ahay Haddaan XAQQA Ku Maansooday?

Recommended Posts

Deeq A.   

“Ma mucaarid baan ahay haddaan XAQQA ku maansoodo?”
Erayo iga Raacay soo Dhoweyntii Madaxweyne Biixi ee Salaadiinta B. Sanaag

Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Waxaa aan ka hayaa, AUN Aadan Yuusuf Axmed (Aadan Carab),”ma xiniin yahay moodayaan muunad na la saaray, maalshiyo haddaan mililka duro, malow miyay fuuli, ma mucaarid baan ahay haddaan Xaqqa ku maansoodo?” Maansadan waxaa uu tiriyay kolkii uu arkay calankii sudhnaa Buuhoodle oo idlaaday, lana waayay wax lagu beddelo calalka. Dulucdu waxaa ay daarranayd toosin aan dalab lahayn taasoo ay tahay inuu halqafo masuul kastoo shacabka xil u haya.
Kow, waxaa aan bogaadin martiqaadkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u fidiyay qayb ka mid salaadiinta Bariga Sanaag. Inkastoo dadka qaarkood u maleeyeen mid lagu kala qaybinayo reerka, dad badan ayaa u araka Madaxweynahu in uu ku fooggan yahay sidii Beeshu ugu soo dhamman lahayd ka qayb qaadashada curashada Somaaliland cusub. Isla sidaa, waxaa qaba salaadiintii oo si dhab ah u xambaaray farriintii Madaxweynaha, xilna iska saaray fulinta waxii ku soo hagaagay.
Madaxweynahu, waxaa uu ku soo dhoweeyay salaadiinta, weedho ay ka mid ahaayeen: “Soddon sannadood dad kala gar-bixi waaya, oo in yariba meel ku oodnaato, innaguun (Somaali) baa la hayaa….” “Waxaa la yidhaahdaa qolada Somaaliland joogtaa, waxay doonayaan dawlad yaroo qolo leedahay, war sidaa maaha….” “Somaaliland oo aan isu dhammayn ma dhismayso, waxaa la innooga baahan yahay in Somaaliland aan wada dhisno Somaalidii kalena aan u gurmanno…” “Waxaan doonaynaa Somaaliland aynu u siman nahay, arrinkeeda, adduunkeeda, iyo taladeedaba….”
Erayadu waxaa ay yididiilo geliyeen qof kastoo lexejeclo ka lahaa dalka. Haddii, ficil loo rogona, waxaa ay horseedi doonaan dhismaha Somaaliland mid ah. Arrinka, Madaxweynahu waxaa uu soo taagay meel laga sii ambaqaadi karo. Gobna xurmo ayaa deeqda. Waxaan aan ka ducaynaynaa in aanay innaga noqon sabaaladii 20ka sannadood soo jiitamaysay. Runtii, dulqaadka dadku waxaa uu marayaa gabaabsi.
Waxaa aan ka mahad celinaynaa, maanta, haddii indhahii Madaxweynahu ay qabteen degaankii Bariga Sanaag. Waxaa uu ballan-qaaday gurmad loo fidiyo dadka iyo xoolaha abaarahu tabaaleeyeen. Arrintaa degaanku waxaa uu ku ilaabay, waxii hore u baaqday. Dad iyo degaanba waxaa deeqay erayadii Madaxweynaha, “hoo na waa naga intaa, hagarna waa naga Wallaahi”. Sidoo kale, waxaa aan ka mahad naqaynaa, in uu Bariga Sanaag ugu baaqay mudnaanta kowaad ee horumarinta dalka. Waxaa loo aayi doono waxii gala degaankaa. Dadkuna waxaa ay gudi doonaan abaalka qarankoodu u galay.
Dhinaca kale, hadalkii Madaxweynaha, waxaa iga raacay dhowr eray oo u baahan in la is kor taago. Waxaa uu sheegay dadku in ay leeyahiin waxii ay goostaan. Sax. Ogow, muwaadinnimadu qof kasta waxaa ay u goysaa in uu dalkiisu ku helo nabad, aqoonsi, diiwaangelin, codayn, is-sharraxaad, saami qaybsi, jagooyin sare, shaqo gelin, iyo dhismaha iyo horumarinta degaankiisa. Intaaba waxaa ay yahiin xuquuq aanu marti ka noqdon karayn muwaadinku. Waxaana xil ka saaran yahay xukuumadda.
Madaxweynahu waxaa kale oo uu ku tiraabay, “ciidan idin ku filan, kiinana tababara oo ay ka mid noqdaan, waa diyaar. Waana idin dhow yahay. Ciidan dadka kala badbaadiya, cadowgana ka badbaadiya.” “Maamulka in aan dhisno, markaan isla garano oo amaan uu helno badhasaabkii, badhasaab gurigiisa jooga, gaadhigiisana laga dhacayo dee siduu wax u maamulayaa, waa in laga adkeeyaa…… Ileyn xabaal buuxin maynee.”
Degaanka waxaa taalla nabad. Waxbana ka ma jiraan Badhasaab gaadhigiisii laga dhacay, xaasha. Balse, warxumo tashiilka Madaxweynaha u gudbiyay eedda uu beesha u soo jeediyay, ayaa ku kala dhex jira xukuumadda iyo degaanka. Dhismaha maamulkuna ma aha in uu shuruud galo. Keliya, waxaa loo baahan yahay ku dhac iyo hagar la’aan hoos loogu daadejiyo lixda dagmo ee degaanka. Mudnaanta waxaa la siin doonaa dhismaha xafiisyo maamul, wasaarado, saldhigyo boolis, maxkamddo, iyo xabsi dhexe. Dadku iyaaga ayaa u jeellan maamulka, gacanna ka geysan doona.
Sidaa awgeed, waxaa aan tebayna talo. Talo iyo iskaashi lagaga badbaado isku dhaca ka dhasha ciidamada is hor fadhiya Yubbe. Talo iyo kalsooni keenta in la aamino Ciidamda Bariga Sanaag, la qalabeeyo, loona ekayso kuwa la midka ah. Talo, in la qarameeyo waxii ka dhiman iyadoo lala tashanayo ergada salaadiinta.
Gobolka, waxaa ku sugan guutooyin qaramaysan, kana soo jeeda Bariga Sanaag. Waxaa ay leeyahiin Janan, Korneello, Saraakiil, Saraakiil Xigeenno iyo Dablay, intaba. Waxaana fadhiisimo u ah Yubbe, Carmaale, Xingalool, Ceelbuh, Badhan, Laasqorey, Ceelaayo iyo Dhahar. Hase ahaatee, ciidankaa, muddo aad u dheer, waxaa ay ku sugnaayeen dulmi iyo duudsi. Maantana, haddii la dulgeeyo ciidan wax kasti u dhan yahiin, waxaa ay dhoolatus iyo yesmo ku tahay iyaga iyo dadka degaankaba.
Ciidamadaa, intooda badan waxaa lagu tilmaamo kuwa ugu fiican Gobolka. Balse, faro ku tiris ayay derajado ku gaadhay. Waxaa la iska hortaagay in ay waxbarasho saraakiil u tagaan Itoobiya. Waxaa ka reebban in uu gacantooda galo gaadiidka, hubka iyo saanadda Qaranku. Xattaa, waxaa laga lexe-jeclaystay dirayska. Waxaa ay ku dhaansadaan dameero. Saldhigga Ilaalada Xeebta ee Laasqorey, isaguna, waxaa uu ka arradan yahay wax walba, halka sadeexda saldhig ee kale ay u dhan yahiin. Waxaa ka taliya Gaashaanle, dableydii uu soo xukumi jiray qaarkood ay ka raran yihiin Gaashaanlayaal Sare. Sarkaalkaa kuma uu hadhin aqoon, waayo-aragnimo iyo karti toona. Balse waxaa reebay haybtiisa.
Guutada 116aad oo ka mid ah ciidankaa, waxaa ay dhowr bilood ku kala dhex jirtay beelaha jiidda Ceelafweyn iyagoo ku lahaa magac iyo haybad. Isla markaa, waxaa ay kasbadeen kalsoonidii beelahii shaqaaqadu dhex martay. Se, waxaa aan xasuustaa, maalmahii ugu danbeeyay, waxgaradka reerku in ay ka odayeeyeen dejinta qaar ka mid ah ciidanka oo ka gadooday sida loo dayacay iyo isku filaanshaha ka shaacayay ciidamada dhiggooda ah. Waxaa, iyana, xusid mudan, maalmahii 18 May 2018, Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Laasqorey, in uu gacanta ku hayay nabadgelyada Ceerigaabo, magaala madaxda Sanaag. Nasiib-darro, rasaasta uu hawsha ku fulinayay, waxaa uu ka amaahday ciidan dhiggiisa ah.
Sidoo kale, Guutada 93aad waxaa ay ku dhereran tahay Xingalool ilaa Dhahar. Waxaana ay ku filnaan lahayd sugidda nabadgelyada xuduudaha, haddii ay heli lahayd waxa ay haystaan ciidamada asaagood. Madaxweynahu waxaa uu salaadiintii u sheegay in QALBIGA la iska aamino. Sidaa darteed, waxaa habboon xukuumadda, weliba taliska ciidanka, in ay QALBIGA u sii daayaan cidankooda ku sugan Bariga fog. Suurtagal ma aha “Dudumo” in la dugsado iyo la dareensado.
Qoddobada aan soo sheegay haddii ay helaan tixgelinta ay mudan yahiin, waxaa hubaal ah ciidanka qaranku in uu ka hillaaci doono xuduudaha, iyadoo aan loo sadqeyn qof keliya. Waxaa aan ognahay, xattaa ciidamada innaga soo horjeeda oo hadda beelaysan, qalbigoodu in uu u soo jeedo xaggeenna. Balse, waxaa ay la maqan yahiin gacan-bidixayntii kaga dhacday taliska ciidanka.
Gunnaanad: Rasuulka Allah (NNKA) waxaa uu yidhi, “xikamaddu (talada fiican) waxaa weeye baadi ka maqan Muuminka. Meel kastoo uu ka helona, isagaa xaq u leh”. Mar kalena, waxaa uu yidhi (NNKA), “Hoggaamiye kasta waxaa ku lammaan la taliyayaal (waxgarad) nasteex u ah iyo kuwo jar ka tuura. Waxaana dhowrsoon kii uu Allah dhowrayo”.
Xassan Cumar Hoorri, Qoraa ka faallooda waayaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaa aad kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com, iyo hassan.horri@hornid.org ama ku raadraac Twitter @Horrimania

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this