Deeq A. Posted April 24, 2019 Beijing (SMN) – Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Maalgashiga iyo Wax Isdhaafsiga Shiinaha iyo dalalka kale ee caalamka ayaa waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo is afgarad ah oo ku aadan in Shiinaha uu ku soo daro dalalkaasi uu maalgashiga ku sameeyo Soomaaliya. Heshiiskaan ayaa waxaa Soomaaliya qalinka ugu duugay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan. Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday in shirkaan ku saabsan maalgashiga ay ka qeyb galeen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Shinaha iyo Ganacsatada waaweyn ee dalkaasi. Waana Fursad weyn oo Soomaaliya ay uga faa’ideysan karto dowladda Shiinaha oo ka mid ah dowladaha ugu horreeyo caalamka xagga dhaqaalaha. Ambassador Jamaal Maxamed Xasan oo ka hadlay heshiisyadaasi ay wada gaareen dowladda Shinaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ba’an ugu jirto sidii ay u hagaajin laheyd xiriirkeeda ganacsi oo ay la leedahay dowladaha kale ee caalamka. Wasiirka ayaa intaas ku daray in Soomaaliya haatan tahay nabad gelyo , islamarkaana ay meesha ka baxeen Kooxihii Burcadbadeeda Soomaalida, isagoo xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay haatan waddo qorshihii ugu dambeeyay ay ku dabar jareyso wax uu ugu yeeray Argagixisada. Ugu dambeyn Wasiir Jamaal ayaa tilmaamay in Soomaaliya dhankeeda Shixnado Ganacsi u iib geyn doonto Shiinaha, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dalaga wax soo saarka Beeraha oo dalku u dhoofin doono Shiinaha sida uu yiri. View the full article Share this post Link to post Share on other sites