Deeq A. Posted April 24, 2019 Muqdiosho (SMN) – Waxaa suuqyda magaalada Muqdisho laga dareemayaa sare u kac xoogan oo ku yimid nuucyada kala duwan ee Khudaarta, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha Qoysas badan, gaar ahaan kuwa danta yar. Qaar ka tirsan ganacsatada Khudaarta oo an kula kulanay Suuqa Xamar Weyne ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen waxa keenay sare u kacan. Waxaana ay u sababeeyeen arrimo ay ka mid tahay xirnaashaha waddooyinka iyo Lacago looga qaado baraha koontarool ee K/ Soomaaliya. Inta badan ayaa waxaa xilliyada Jilaalka la dareemaa isbedal dhinaca qiimaha oo ku yimaada nuucyada Khudaarta lagu iibiyo suuqyada M/Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites