Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Socdaal Ku Tagay Dalka China

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Begin)-Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka China President Xi Jinping, kuwaas oo si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidoo kale sidii dib loogu habanayn lahaa jidka tareenka ee u dhexeeya Addis Ababa iyo Djibouti.

57551876_577840266040494_456654703742785

Waxaanay labada dhinac ay is-faham guud ka yeesheen horumarinta dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo jidadka, waxaanay tilmaameen in China iyo Ethiopia-ba ay dedaal dheeraad ah ugu jiraan dhinacyada horumarka, isla markaana uu dal kasta ka jiro arimihiisa gaarka ah.

Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed booqashadan uu ku joogo dalka China ayaa waxa kale oo uu kulan la qaatay madaxda shirkadda shidaalka ee dalka shiinaha.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaay ku kala saxeexdeen heshiisyo dhinaca horumarinta ah oo gaadhaya 1.8 bilyan oo dollar, kaa oo ku saabsan horumarinta bixinta tamarta korantada iyo qaybin-teeda.

Mashruucan ayaa waxaa uu awood u siin doonaa dowladda Itoobiya ilaa 16 beeraha warshadaha; Addis Ababa ilaa Jidka Tareenka 2aad iyo magaalooyinka kala duwan ee dalka, sida lagu sheegay war-kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa ballan-qaadey wada-shaqeyn buuxda inay la yeelato Shirkadda China gaar ahaan in ay awood u yeelato maal-galinta tamarta.

Heshiiskaas waxaa dowladda Itoobiya u saxiixay oo wafdiga ra’iisul wasaare Abiy Axmed ka mid ah wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this