Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada G/Banaadir oo ku qanci weysay eedaha dadkii ka dambeeyey dilkii marxuum Axmed Dowlo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga dacwad loo heysto  dad ku eedeysan gubid iyo dil ay u geysteen marxuum Axmed Mukhtar Saalax (Axmed dowllo)

Dadka maanta maxkamada ka soo hormuuqday  ayaa la sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan 6 ruux, kuwaasi oo dhamantood ku eedeysan in ay geysteen falkan isugu jirtay gubis iyo dil si arxan dara ah.

Ilo wareedyo ayaa Caasimadda Online u sheegay in maxkamada ay ku qanci weysay eedaha la horkeenay Maxkamada, waxaa na la sheegay in dib loo dhigay kiiska Axmed Dowlo, inkastoo aan la shaacin waqtiga rasmi ah.

Wararka qaar ay heshay Caasimadda Online  ayaa sheegaya  in maxkamada ay dalbatay in la soo dhameystiro eedaha loo heysto eedeysanayaashan.

Maxruum Axmed dowlo ayaa 20-kii bishii September 2018 lagu dilay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa ka dambeeyey Waalidiinta Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay, iyada oo loo dilay sababo la xiriira heybsooc.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this