Deeq A. Posted April 24, 2019 Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda nin dhulka usoo dagay, oo uu isbadal ku dhacay, halka ra’iisul wasaare Kheyre uu wali u muuqdo nin rag iska celin ku mashquulsan. Madaxweynuhu wuxuu aqbalay, oo uu qirtay wax badan oo laga yaabo in saaxiibadii ay guuldaro u arkaan, waxaana ka mid ah. 1- Ra’iisul wasaare Kheyre wuxuu sheegay in ciidanku mushaarkoodii qaateen, laakiin madaxweyne Farmaajo ayaa beeniyay oo sheegay in aan saddex bilood askartu mushaar qaadan. 2-Kheyre wuxuu madal walba ka sheegaa in dhaqaaluhu soo hagaagay, oo lacag badan usoo xarootay, laakiin Farmaajo ayaa asbuucan taas beeniyay isagoo sheegay in Dowladiisu ay dhaqaalo xumo la dhaqaaqi la’adahay. 3-Ra’iisul wasaare Kheyre wuxuu wareysigii u dambeeyay ku sheegay in guulo amni oo muhiim ah la gaaray, laakiin madaxweyne Farmaajo ayaa beeniyay oo sheegay in dagaalka socda lagu wada dhamaaday, uuna yahay mid ka mid ah waxyaabaha cuuryamiyay Dowladiisa, wuxuuna culimada ka dalbaday in wada hadal loo maro arrinta Al Shabaab, taas oo ka dhigan in dhabihii dagaalka uu socon waayay. Wali wax badan ayaa dhiman oo u baahan in runta laga sheego sida siyaasada arrimaha dibbada, heshiiska Itoobiya, arrinta shidaalka, doorka Qatar iyo khilaafka maamul goboleedyada, laakiin isbadalka xaqiiqada wata ee madaxweynaha waa arrin amaan mudan. (Wax ummad ka dhaxeeya Af laguma qarin karo). W/Q: Abdullahi Osman Farah Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites