Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari Hilux ah oo uu lahaa guddoomiyaha maamulka gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo).

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxani ku dhaawacmay illaa saddex Askari oo ka mid ahaa Ciidanka ilaalada guddoomiyaha.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu dhacayay qaraxa uusan gaariga la socon guddoomiye Yuusuf Dhedo.

Illaa iyo hadda wax hadal kama soo bixin dhanka Puntland, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this