Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Asmara (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaaladda Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, kadib markii uu ka soo qeyb galay shir ka dhacay shalay magaaladda Qaahir oo looga hadlay dhibaatooyinka ka taagan dalalka Sudan iyo Libya.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo ay wehlinayaan wasiirka waxbarashada iyo saraakiil kale uu ku soo dhaweeyay Garoonka Madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki.

Labada Madaxweyne ayaa kulan ku leh xarunta Madaxtooyadda magaaladda Asmara, waxaana la sheegay in ay ka wada hadlayaan xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea iyo isbedellada ka socda gobolka Geeska Africa.

Waa safarkii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Eritrea tan iyo bishii July ee sanadkii tagey, xilligaasi oo si rasmi ah dib loogu soo nooleeyay xiriirka labada dal oo sidoo kale ku heshiiyay in ay safaaradahooda dib uga furtaan Asmara iyo Muqdisho.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa 4 bilood kadib booqashadii Farmaajo ee Asmara ku yimid Muqdisho si uu u xoojiyo cilaaqaadka dib loo cusbooneysiiyay ee dalkiisa iyo Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

D45nVKaXkAAKapi D45nVKbW4AExWb2 D45nVKaW4AALFT5

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this