Deeq A. Posted April 24, 2019 Qaahira (SMN) – Cabdqaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda dalka, xilli uu gurigiisa oo ku yaalla magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar uu ku booqday Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Wuxuu Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladda amni ee Soomaaliya. Sidoo kale Cabdiqaasim Salaad Xasan aya siyaasiyiinta Mucaaradka ah ku tilmaamay kuwo himiladoodu ay tahay kursi doon, arrintaasina wuxuu xusay in ay dalka u horseedi karto burbur iyo kala dambeyn la’aan. Dhanka kale Xarakada Al Shabaab ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka, maadaama ay ku dhimanayaan dadka shacabka ah, sida uu hadalka u dhigay. Cabdiqaasim oo Madaxweyne ka ahaa Soomaaliya sanadihii 2000 illaa 2004-tii ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu xilka baneeyay ku noolaa qurbaha. Wuxuuna xilliyo kooban oo uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya ku baaqayay in laga shaqeeyo nabad galyada iyo midnimada dalka iyo dadka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites