Deeq A. Posted April 24, 2019 Hargeysa (SMN) – Wararka aan ka heleyno magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa tilmaamaya in la sii daayay 2 Gabdhood oo ka soo jeeda dalka Canada, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku xirnaa magaaladaasi. Haweeney Abuukaate ka ah Somaliland oo lagu Magacaabo Mubaarak Maxamuud Cabdi ayaa Warbaahinta u sheegtay in Meymuun Cabdi oo 28 jir ah iyo Karima Wats oo 24 jir ah horay ay Booliska uga soo qabteen guri ku yaalla magaalada Hargeysa oo Ciidamadu ay xoog ku galeen. Haweenkaan oo ka soo jeeda Ottawa ayaa lagu eedeeyay xilligaasi in Qamri ay ku isticmaalayeen guriga ay Boolisku ka soo qabteen, taas oo ka soo horjeeda Xeerka maamulka Somaliland. Nin u dooda Xuquuqda Adanaha oo ka soo jeeda dalka Maraykanka, kuna sugan New-Yorka, kaas oo lagu magacaabo Jason Girmas ayaa sheegay in Haweeneyda lagu Magacaabo Meymun ay Soomaalita u tagtay arrimo la xiriira ka hortagga xad gudubyada ka dhanka ah Dumarka. Gabdhahaasi oo la xiray Bishii January ayaa lagu xukumay Maxkamadeyntooda kadib 2 Bilood oo xariga ah iyo 40 Jeedal. Qareenadooda ayaa beeniyay in gabdhahaasi xilliga la qabanayay ay isticmaalayeen Maandooriyaha Khamriga. View the full article Share this post Link to post Share on other sites