Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Oo Gaadhay Magaalada Asmara Ee Dalka Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Asmara)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea.

1556100454c04e6.jpg

Waftiga Madaxweynaha waxaa Garoonka diyaaradaha ee Asmara ku qaabilay Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afawerki.

Madaxweyne Farmaajo safarkiisa Asmara waxaa ku wehliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre iyo xubno kale oo ka mid ah dowladda Soomaaliya.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Magaalada Qaahira kaga qeybgalay shir uu marti geliyay Madaxweynaha Masar lagagana hadlayay qalalaasaha Liibiya iyo Suudaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this