Deeq A. Posted April 24, 2019 Qarax ayaa hadda ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari gaar ahaanna nawaaxiga hotel Jubba sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan magaalada. Qaraxa ayaa lala beegsaday Xaajeed nooca loo yaqaan HILUX oo maraysay jidka hotel Jubba ee magaalada Boosaaso inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn cidda wadatay gaarigaasi. Goobjoogayaal aga’gaarkaasi ku sugan ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in ay arkeen burburka gaariga xaajeedda balse aysan ka war hayn cidda saaaran iyo khasaaraha gaaray midna. Ciidamada amniga magaalada Boosaaso ayaa hadda la sheegayaa in ay gaareen goobta qaraxu ka dhacay waxaana halkaasi ka socota rasaas teel-teel ah iyadoo ciidanku ay kala eryayaan dad ku soo xoomay goobta. Faahfaahinta Puntland Post The post Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites