Sign in to follow this  
Deeq A.

Boosaaso: Gaariga guddoomiyaha gobolka bari oo qarax la kacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin ayaa haatan ka soo baxaysa qarax goor dhoweyd lala eegtay xaajeed HILUX ah oo maraysay jidka hotel Jubba ee magaalada Boosaaso.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in qaraxa oo jidka ku sii aasnaa lala eegtay gaariga guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) balse guddoomiyuhu uusan la socon gaariga xilliga qaraxu haleelay.

3 askari oo ka tirsan ilaalada guddoomiyaha gobolka Bari ayaa ku dhaawacmay qaraxa waxaana loola cararay isbitaalka magaalada Bosoosaaso sida uu xaqiijiyay sarkaalkan.

Laamaha amniga gobolka Bari ayaa haatan baaritaanno ka wada goobta qaraxaasi ka dhacay iyadoo aan ilaa iyo hadda cidna loo qaban qarax.

PUNTLAND POST

The post Boosaaso: Gaariga guddoomiyaha gobolka bari oo qarax la kacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this