Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay Guddoomiyaha Gobolka Bari oo qarax lagula eegtay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo la sheegay in lala eegtay gaari uu leeyahay guddoomiyaha gobolka Bari.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaariga guddoomiye Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo, waxaana la sheegay inay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah ilaalada guddoomiyaha, sida wararka aan ku heleyno.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiye Dhedo uu gaariga ka dagay daqiiqado kahor inta aan qaraxa lala eegan, waxaana la sheegay in ilaaladiisa uu saameeyay qaraxa.

Waxyeelo kale ayaa gaartay dad shacab ahaa oo goobta ku sugnaa, waxaana goobta la sheegay inay tahay meel mashquul badan, oo lagi iibiyo taleefanada gacanta.

Laamaha amaanka ayaa qaraxa kadib baaritaano ka bilaabay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana qaraxa uu u badan yahay inuu ahaa mid gaariga lagu xiray.

Guddiga amniga ee gobolka Bari ayaan wali wax war ah kasoo saarin qaraxa, waxaana la sheegay inuu kusoo aaday maalmo uun ka dib markii qarax lala eegtay ciidamada amaanka xili ay baaritaano ku gudo jireen.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this