Deeq A. Posted April 24, 2019 Muqdisho (SMN) – Xubnaha BFS ayaa maanta lagu wadaaa in kulan ka mid ah Kalfadhiga shanaad ay ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankan waxa uu qorshuhu yahay in warbixin looga dhageysto guddiga madaxa banaan ee xuduudaha dalka. Sidoo kale Xildhibanada Golaha Shacabka ayaa kol hore su’aalo weydiiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo la xariira hanaanka doorashooyinka la filayo in la qabto sanada 2021-ka. Maalmihii aynu soo dhaafnay guddiga jootada ee Golaha Shacabka ayaa kulamo kala duwan la lahaa xubno ka socday Baarlamaanka Puntland oo ku sugnaa M/Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites