Deeq A. Posted April 24, 2019 Qaahira (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan. Cabdiqaasim Salad Xassan ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay in Soomaaliya wali kusii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka. Madaxweyinihii hore Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladooda, islamarkaana ay kala shaqeeyaan amniga dalka. Waa markii labaad oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo la kulmayo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan oo mudooyinkii danbe ku noolaa Dalka Masar View the full article Share this post Link to post Share on other sites