Dalmar1 Posted April 24, 2019 Qoyska Caasho Ilyaas oo Cadaalad daro eersaday Puntland-na ka guuray https://xushmo.com/wp-content/uploads/2019/03/Waan.jpg Fariimo nagu beeray murugo iyo calool xumo ayaa Maanta naga soo gaaray Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, Warbixintaas oo ah in ay Soomaaliya ka baxeen Qoyska Caasho Ilyaas oo aheyd Gabar 12 sano jir ah oo dil iyo kufsi loogu geestay Gaalkacyo. Qoysaskii dariska la ahaa ayaa MOL u sheegay in Qoyska Caasho markii ay ka quusteen helitaanka Cadaalad sidoo kalane loo hanjabay ay ka baxeen Soomaaliya waxayna galabta faarujiyeen Gurigii ay daganaayeen. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Qoyska Caasho ay u safreen dalka Itoobiya, halkaas oo ku sii nagaan doonaan ilaa bilooyin sida ay u sheegeen dad daris la ah. Gaari nuuca Xamuulka qaada ayaa shalay galab ka raray dhamaan xubnihii qoyska iyo wixii agab ah oo ay heesteen waxayna ka gudbeen Xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya. Arintaan ayaa murugo ku abuurtay dadka reer Gaalkacyo. Dadka ku nool Waqooyiga Gaalkacyo ayaa MOL u sheegay in qoyskaan ay ka niyad jabeen markii Madaxweyne Deni uu sii daayay dalkana ka dhoofiyay laba nin oo kufsiga ku eedeesnaa laba kalane xabsiga lagu sii haayay sidoo kale qoyskaan ayaa waxaa soo wajahay Cabsi kadib markii dhowr jeer loo hanjabay. Lama oga cidda u hanjabtay sidoo kalane ma jirto cid ka caawisay baaritaanka arintaan. Waxay Soomaaliya uga baxeen sidii ay ku badbaadin lahaayeen nafta dhallaanka kale ee u harsan iyo sidii ay ilaabi lahaayeen uur ku taalada xanuunka badan oo ay dhibkii loo geestay Gabadhooda Caasho Ilyaas. Picture of Caasho Family fleeing Puntland as they fear from being killed and raped further more as the Threatening statements send to them stated, "keep your minority/langaab mouth shut or face another Caasho situtation", so instead the family fled from their home and state puntland. Indeed being a minority in Puntland is a death sentence as no justice will be ever be served to it's victims. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted April 24, 2019 Aawey wiilashii loo haaye kiiskaan fooshaxun? Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted April 24, 2019 Wali baaritaano yaan ku jirnaa bay leeyihiin si wax la hubo loogu cadaalad sameeyo. Dadka qaarkiisna waxay leeyihiin wiilashu laandheere bay noqdeen cid kaloo lagu badelo, wali lama hayo. allahu aclam Waa in layska samraa haday cadaalad aduunka ku waydo maalinta xisaabta qiyaame baysan waayeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites